Baydhabo, (insidesomali.org)- Kooxaha ka horjeeda Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa xalay weeraro u badan Madaafiic ku qaaday Magaalada Baydhabo ee GobolkaBay, iyadoo xaalada Baydhabo ay mar qura kacday.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalkaas uu ahaa mid xoogan oo aan la garan karin khasaaraha rasmiga ah ee uu keenay, iyadoo madaafiic fara badan ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha iyo xarunta Madaxtooyada.
Dowladda iyo kooxaha dagaalka kusoo qaaday ayaan ka hadlin dagaalkaas, waxayna sidoo kale weerar lagu qaaday guriga guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ee Baydhabo.
Xildhibaan ayaa isagana la sheegay in weerar lagu qaaday, halka saldhig-yare ay ciidamada Booliiska ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Itoobiya isagana la weeraray, balse aan la sheegi karin khasaaraha gaaray kala gaaray.
Warar aan la xaqiijin karin ayaa sheegaya in ay jiraan khasaarooyin dagaalkii xalay ka dhashay kuwaasoo isugu jira dhimasho iyo dhawaac, balse ma jiraan wax saxaafadu heshay.
Isbitaalka Baydhabo ayaan sidoo kale la gaarsiin wax dhaawac ah oo ka dhashay dagaalkii shalay, iyadoo xaalada Baydhabo ay tahay mid adgan dagan oo aanay wax dhibaato ah ka jirin.